Soo gelitaankii Gumeystayaasha Geeska Afrika Qeybta Labaad

Gumaysigii Talyaaniga ee Somaaliya

Talyaanigu Banaadir waxa uu ka iibsaday Suldaankii Sansibaar sanadkii 1890. Shirkada Firlonardi ayaa loo xilsaaray ilaalinta iyo maamulka xeebta Banaadir. Sanadkii 1893kii, ayaa Talyaaniga uu dalka gudihiisa soo galay isaga OO xagga xeebta ka yimid. Kabtan Bottogo ayaa ka dhisay qalcad boolis ah magaalada luuq, kuna magacaabay luuq-Ferandi. Halkaas oo ahayd jid muhiim ah oo ku geynaya Abasiiniya. Talyaaniga wakhtigaas waxa uu qorsheynayey gumeysigii Eretareeya.

Shirkada Firlonardi ayaa lagu eedeeyey ku fulinta canshuur laga qaado addoonsigii Koonfurta Soomaliya. Talyaanigu waxa uu qorsheeyey joojintii mas'uuliyadii shirkada Firlonardi ee Banaadir. Antonio Cechi ayaa loo soo diray in uu xil kala wareego shirkaddii Firlonardi, isaga oo ah wakiil sare.

Antonio Cechi iyo saddex iyo toban nin oo kale ayaa loo galay jidka meel ku dhow Lafoole, halkaas oo lagu dilay Dhamaantood. Waxaa la qabtay dhowr qof oo ka mid ahaa shaqaalaha sare ee shirkada Firlonardi ee Banaadir, iyaga oo lagu eedeeyey shirqool la xiriira dilka nimankaas. Talyaanigu Ciidan ayaa uu ka soo diray Eretareeya oo bulshadii Lafoole degganeyd ayaa la xasuuqay, guryahoodii iyo beerahoodii waa la gubey.

Sanadkii 1900kii, shirkada ganacsiga Banaadir ayaa la wareegtay xilka Banaadir. 1903kii, dad ka soo horjeedey adoonsiga oo Rooma ka yimid ayaa soo booqday Muqdisho, Baraawe iyo Marka. Waxa ay ogaadeen oo ay warbixin ka qoreen adoonsiga jiro, oo saylad lagu iibiyo adoonta ay ku taallo Marka.

Sanadkii 1905kii, Talyaaniga ayaa u baahday dekedda Kismaayo, halkaas oo maamulkeedii la wareegay iyo dhulka balaaran ee carrada wanaagsan ee kuyaalla labada Webi ee Jubba iyo Shabeelle. Sanadkii 1908kii, dawladda Talyaaniga ayaa go'aansatay in dhulka siman ee labada Webi u dhaxeeyaa noqdaan dhul Talyaanigu dego, si uu wax uga beero.

1910kii, beer tijaabo ah ayaa laga sameeyey Janaale, halkaas oo lagu tijaabin jirey dalagyada ku baxa cimilada kuleylaha. Muddada xukunkii Fashiistaha ee Talyaaniga ayaa tiro badan oo beeraley Talyaani ah soo dejiyey agagaarka webiyada Shabeelle iyo Jubba. 1923kii, Talyaanigii dhulkaas degay, waxa ay soo saareen cudbi, muus iyo sonkor. Hase yeeshee, Talyaaniga waxa ay isticmaali jireen xoog ay dadka ku hawlgeliyaan, si dhulka loo geed qaado, beerahana loo qodo ama loo falo.

Ka hor dagaalkii Talyaaniga iyo Itoobiya, koonfurta Soomaaliya waxa ay gaartay isku Filnaasho xagga cuntada ah.

Dawladda Talyaaniga ayaa muujisay in aannu doonayn in Soomaaliya ay gumeysato oo sii joogto. Qarammadda midoobay oo la wareegtay maamulkii Soomaaliya muddo toban sano ah (1950 - 60) ayaa gaarsiiyey madaxbannaanidoodii.

Ka hortagii Axmed Gurey ee Maamulka Abasiiniya


Qarnigii 13aad, waxaa xeebta Saylac xukumi jirey Walashma oo asalkoodu ahaa Carab. Abasiiniya ayaa dagaallo ku soo qaadi jirtey si ay u helaan dekedda gobolka Ifat. Dadka Muslimka ah ee Ifat, ee ay ka mid ahaayeen, Dawaro, Bale iyo Hadiya waxay ay iyaguna rabeen in ay fidiyaan Islaamka oo ay qabsadaan dhul-beereedka Abasiiniya. Sanadkii 1915kii ayey Abasiiniya qabsatey Ifat, Isla markaasna dileen boqorkii Sa'acadadiin, jasiiradda ku taalla xeebta Saylac.

Muddo yar ka dib, Abasiiniya waa laga xoreeyey Ifat. Hoggaamiye cusub ayaa xukunkii qabtey, waxaana gobolkii loo bixiyey Awdal. Hoggaamiyuhu waxaa uu noqdey Axmed Gurey. Waxaa uu la dagaallamay Abasiiniya oo dooneysey in ay mar labaad qabsato Awdal. Axmed Gurey waxaa uu ahaa Geesi Soomaaliyeed. Waxaa uu abaabulay Ciidan ka kooban qabaa'ilka xoolo dhaqatada ah ee waqooyiga Soomaaliya iyo Koonfur galbeed ee Itoobiya.

Maamulkii Cusmaaniyadda ee Turkiga, ayaa caawiyey Axmed Gurey oo uu u direy hub iyo rag u tababara Ciidanka. Axmed Gurey waxaa uu xaruntiisii Ciidanka u beddelay Harar, halkaas oo kula dagaalamey Abasiiniy, isla markaasna oo uu jebiyey Abasiiniya. Waxa uu qabsaday dhulka sare ee Itoobiya, halkaas oo uu burburiyey kaniisadihii.

Guul badan oo uu gaarey Axmed Gurey ka dib, waxa ay Iska horyimaadeen maamulkii Cusmaaniyadda ee Turkiga, oo doonaayey in ay qabsadaan Geeska Afrika. Axmed Gurey waxaa uu ka saaray meelihii uu xukumayey ee ay fadhiyeen Ciidankii Cusmaaniyadda Turkigu. Sanadkii 1542kii Ciidan xoog weyn oo Boortaqiis ah ayaa degey Eretareeya. Ciidanka waxaa hoggaaminayey Christopher Digamma oo ahaa inankii dalmareen caan ahaa oo Boortaqiis ah.

Ciidankaasi waxa ay weerareen Axmed Gurey, waxaa jebiyey Ciidamadii Axmed Gurey, hoggaamiyihii Christopherna waa la diley. Axmed Gurey waxaa uu ku fidiyey dhul badan. Muddo yar ka dib, waxaa soo weeraray ciidamo jabhad ah,  waxaanay ka qabsadeen dhul badan. Waxaa kaloo soo weeraray ciidammo uu watey boqorkii Galowdewos oo jebiyey Ciidammadii Muslimka ee deggenaa webiga Tana. Wakhtigaas ayaa Axmed Gurey la diley. Halkaas waxaa ku dhammaaday xukunkii Axmed Gurey sanadkii 1959.

Qabsashaddii Talyaaniga ee Itoobiya

Ka dib markii lagu jebiyey Talyaaniga dagaalkii Cadawa, Talyaanigu waxa uu sugayey wakhti ku habboon oo Itoobiya uu ka aargoosto. Markii Talyaanigu qabsadey Liibiya, Eretareeya iyo Soomaaliya. Waxaa uu qorsheeyey in uu qabsado waddamo badan sida Ingiriiska iyo Faransiiska.

Sanadkii 1920kii, Talyaanigu waxa uu la saxeexdey Ingiriiska heshiis lagu dhiso waddo tareen oo isku xirta Itoobiya, Eretareeya iyo Soomaaliya. Hase yeeshee Itoobiya ayaa diiddey. Itoobiya waxa ay ku biirtey Ururka jaamacadda qarammadda adduunka; isla markaasna waa ay diiddey qorshihii Talyaaniga.

Sanadkii 1934kii Talyaaniga iyo Itoobiya ayaa ciidammadoodii dagaal ku dhexmaray gobolka Soomaalida. Itoobiya waxa ay dacwad u gudbisay Ururka qarammadda midoobay, hase yeeshee waxba lagama qaban dacwadaas. Sababta oo ahayd, xubnihii uu kamid ahaa ururka oo ku mashquul ahaa sidii ay uga gaashaaman lahaayeen weerarkii uu ku soo qaaday Jarmalkii naasiga ahaa.

Sidaas darteed arkayeen dacwada Itoobiya in wax ka weyni ay ku soo fool leeyahay. Sanadkii 1935kii, ayaa Talyaanigu sameeyey Ciidan ballaaran oo ka kooban Eretareeyaan iyo Soomaali. Bishii Oktoobar sanadkii 1935kii, ayaa Talyaanigu weeraray Itoobiya isaga oo adeegsanaya madaafiic, dayuurado, qoryo kala duwan iyo sun i.w.m Ciidanka weeraray waxa uu ka koobnaa 120,000 (boqol iyo labaatan kun) oo Talyaani ah iyo 100,000 (boqol kun) oo Eretareeyaan iyo Soomaali ahaa. Muddo yar ka dib Talyaaniga waxa uu qabsadey Itoobiya, isla markaasna waxaa uu dhisey maamulkii bariga Afrika oo ay ku jireen Eretareeya iyo Soomaaliya.

Talyaaniga waxa uu magacaabey Sarreeyo Guuto la oran jirey Gazariani si uu u dhiso jidadka Itoobiya, oo uu khubaro ka keeno Talyaaniga, Ingriiska iyo Maraykanka. Waxa uu sameeyay 2000 meyl oo jid iyo buundooyin heer sare ah oo uu ka sameeyey Itoobiya. Sanadkii 1939kii, Talyaanigu waxa uu u isticmaaley mashaariicda horumarinta Itoobiya 100 milyan oo lacagta Ingriiska ah.

Waxaa kale oo uu keenay 60,000 oo shaqaale Talyaani ah oo ka shaqeynayey mashaariicda horumarinta ee kala duwan. Talyaaniga Itoobiya waxaa uu ka fuliyay mashaariicdii ugu waaweyneyd ee uu ka fuliyo Qaaradda Afrika. Maamulkii bariga Afrika ee Talyaanigu waxa uu burburay sanadkii 1941kii, ka dib, markii Talyaanigu galay dagaalkii labaad ee Adduunka. Ciidammo Ingiriisku watey ayaa ka soo galay dhinaca Suudaan iyo Keenya. Ciidammadii Talyaaniga ee Itoobiya, Eretareeya iyo Soomaaliya joogey ayaa is dhiibay.

Ka dib markii la jabiyey Talyaaniga Boqorkii u dambeeyey ee Itoobiya Xayle Salaase ayaa xukunkii Itoobiya kusoo noqday, oo ka talaniyaayey Itoobiya ilaa sanadkii 1975,  markii la afgambiyey ee la dilay.

Waxaa dib u qoray qormadaan qeybtan iyo midii ka horeesayba: Cabdiqaadir bashiir Cabdi (Cade Bolis)

Post a Comment

0 Comments