Soo gelitaankii Gumeystayaasha ee Geeska Afrika

Qormadaan waxaad ku ogaan doontaa sababta ay gumeystayaashu u yimaadeen Geeska Afrika.

Ujeedadda Yurubyaanku waxa ay ahayd in ay wax ka ogaadaan qaaradda Afrika, waxa ay doonayeen in ay u ruriyaan warar la xiriira qaarada Afrika ee aan iyagu aqoon.  Qaybo badan oo gudaha Geeska Afrika ah ayaan waxba laga ogeyn.  Muddo ka dib ayaa dal mareennadii reer Yurub ee tagey Geeska Afrika oo ay ka mid ahaayeen Richard Burton, Speke iyo Grant sandkii 1850 iyo 1860 waxa ay soo gudbiyeen warbixin la xiriirta waxa ay soo arkeen iyo xaalad nololeedka meelaha ay soo mareen.  Sanadkii 1854kii Richard Burton waxa uu ka tagey Saylac oo uu tagay Harar. Waxa uu warbixin buuxda ka bixiyey dadka soomaalida iyo hogaamiyaashooda ku noolaa dekadda Saylac. Richard Burton Afka Carabiga ayaa uu si fiican ugu hadli jirey.

Waxa uu Harar joogay muddo dheer. Waxa uu sameeyey daraasad la xariirta nidaamka maamulka magaalada Harar, Saylac iyo Berbera.  Waxa uu ku tilmaamay safarkii Awrta ee Saylac ilaa Harar mud u socday si nabadgelyo leh, isla markaana mashquul ka dhigay dadkii.

Safarkiisii labaad Burton waxa uu ku noqday dekadda Berbera, isaga oo ay la socdaan, Speke iyo Stroyan. Burton waxa uu ka hadli jirey Afka Carabiga, isla markaasna salaadda ayaa uu la tukan jirey dadka Muslimiinta ah, waxaa loo yaqaanay Sheekh Cabdalla.

Burton waxaa wareeray dad hubaysan oo diidanaa joogitaankiisa Berbera, halkaas oo lagu diley ninkii la socdey Stroyan, isla markaasna lagu dhaawacay isaga iyo ninkii kale ee Speke, waxa ayna u baxsadeen Cadan.

Waxaa kale oo jirey dalmareeno kale oo reer Yurub ah oo Soomaaliya tagay sida, Charles Guillian oo ah Talyaani. Waxa uu raacay webiga Jubba. si uu u ogaado dhulka Jubba. Waxaa kale ee Soomaaliya tagay dalmareen jarmal ah oo la oran jiray Vonder Deckon, isna waxa uu maray afka webiga Jubba, waxaana uu socday ilaa Baardheere sanadkii 1865kii, halkaas oo markabkiisii yaraa ku qarraqmey.

Gelitaankii Ingiriiska ee Suudaan


Ingriisku waxa uu Suudaan ku soo galey xoog. Waxa uu qabsaday sanadkii 1898. Ciidankii Ingririiska waxa uu degay Khartuum, halkaas oo uu ka dhisay dowlad hoos timaadda Ingiriiska. Waxaa kale oo jirey maamul ka dhaxeeyey Ingiriiska iyo Masaarida oo loo yaqaanay (Xukunkii Masaarida iyo Ingiriiska) oo socdey ilaa 1924kii.

Ka dib Ingiriisku waxa uu ka sameeyey Suudaan xukun dadban, oo laga soo qeybgaliyo odoyaal iyo cuqaal ka tirsan dadweynaha reer Suudaan, isla markaasna hoos yimaada maamulka Ingiriiska. Mudaddii Ingiriisku maamulayey dalka Suudaan, waxaa jirey faraq weyn oo u dhaxeeyey dadka waqooyiga iyo koonfurta. Waxa uu ballaariyey mashaariicdii beeraha oo uu ka beeray dalagyo kala duwan oo loo dhoofiyo dalka Masaarida.

Waxaa kale oo uu wax ka qabtay mashaariicda horumarinta sida:

     1. Nidaamka tareennada.

     2. Waxa uu dhisay jidka tareenka Khartuum iyo Bada Cas isku xira.

     3. Sanadkii 1906 waxa uu dhisay dekedda casriga ah ee Dekedda Suudaan.

     4. Sanadkii 1911 waxa uu ku fidiyey jidkii tareenka ilaa Sennaar iyo Kondorfan.

     5. Sanadihii u dhaxeeyey 1890-1918 waxaa la sameeyey nidaamka gaadiidka ee webiga           Niil iyo Suudaan oo baadkii iyo dhoobadii laga saaray webiga.

     6. Mashruucii beerista cudbiga ee Jasiira oo la balaariyey.

     7. Ingriisku waxa uu keenay Suudaan shaqaale Hindiya iyo Masaari ah oo xirfad leh.

     8. Ingriisku waxa uu dhisay jaamacadda Khartuum, halkaas oo lagu tababari jirey                     macallimiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo howlwadeennada kala duwan ee                       dowladda.

Dadka jaamacadda lagu tababari jirey tiradoodu waa ay yareyd, sababta oo ah siyaasadda dawladda Ingriiiska qorshaheeda kuma jirin in dad aqoon badan la soo saaro. Waxa ay rumeysneyd in aan shaqo dad badan aan loo heli karin, markaasna ay dowladda ay ka hor imanayaan.

Sanadkii 1983kii waxaa aasaasey xisbi siyaasi ah oo loo yaaano (xisbigii kulanka aqoonyahanka), waxaana ka qayb qaatay ardaydii jaamacadda iyo aqoonyahankii dalka Suudaan. Ujeeddadooda waxa ay ahayd in ay helaan xukun daakhilya; isla maskaasna dad badan oo Suudaan ah lagu daro maamulka dowladda. Sanadkii 1945 xisbigii (kulanka aqoonyahanka) waxa uu u qeybsamey laba qaybood oo kala ah:

(i) Walaaha Suudaan                                                                                                                     Xisbiga Walaaha Suudaan, waxa ay ku siyaasaddiisu ku salaysnayd Ingriis nacayb iyo           midaynta dhaqaalaha iyo siyaasadda Suudaan iyo Masar.

(ii) Xisbiga Umma                                                                                                                            Xisbiga Umma ee Suudaan, waxa ay siyaasaddiisu ku salaysnayd in ay iskaashi la                yeeshaan dawladda Ingiriiska, si ay madaxbannaani deg-deg ah u helaan.

Ingriisku waa u diiday diiday wixii xisbiga Umma ka codsadey. Waxa uu dhisay Gole la tashi oo ka kooban waqooyiga Suudaan. Muddo yar ka dib, sanadkii 1948kii. Waxa uu u sameeyey gole-sharci-dejin ah oo Suudaan dhan ka kooban.

Sanadkii 1925kii afgambigii Naasir ku qabsaday Masar, ayaa suurtogaliyey in Ingiriisku oggolaado Suudaan saddex oo ismaamul hoosaad ah muddo ka dibna la siiyo madaxbanaani buuxda. Sanadkii 1955 waxa la qabtay doorashadii Golaha Wakiillada ee Suudaan, waxa ku guuleystay Azhari (Ururka Qaranka ee Azhariyiinta). 1956kii waxa Suudaan la siiyey madaxbanaani buuxda.

Maamulkii Faransiiska ee Jabuuti

Sanadkii 1988 ayuu Faransiisku Jabuuti soo galey, oo uu maamulkiisa oo uu maamulkiisa ka dhisay. Ninka la yiraahdo Leonce Lagarde ayaa noqday maamulkii ugu ee horreeyey ee Jabuuti, oo dhisay dekadda Jabuuti sanadkii 1888. Magaalada Jabuuti waxa ay noqotey magaalo madaxdii dalka Jabuuti sanadkii 1892kii.

Sanadkii 1898kii shirkad Faransiis ah ayaa dhistay jidka tareenka ee isku xira Jabuuti iyo Itoobiya. Waxaa jidka la dhammeystiray sanadkii 1917kii. Dawladda Faransiiska waxa ay ka dhigtay dekadda Jabuuti xarunta ganacsiga ee ugu weyn waqooyi bari ee Afrika. Hase yeeshee dawladda Faransiiska waxa ay dayacday waddanka Jabuuti intiisa kale. Noloshii xoolo dhaqatada reer Jabuuti waxay ay noqotay sabool, wax loo qabtayna ma jirto.'

Muddadii dagaalkii labaad ee adduunka socdey, Jabuuti waxa xukumi jirey dawladdii loo yaqaannay Dawladdii Vichy oo hoos iman jirtey maamulkii Jarmalka. Wakhtigaas waxa uu ahaa markii ugu xumayd taariikhda Jabuuti. Sanadkii 1945kii, dawladdii Cubeyd ee Faransiiska ayaa ka dhisey ismaamul hoosaad,. Sanadkii 1957kii Ururkii Jamhuuriga ahaa ee uu madaxda ka ahaa Maxamuud Xarbi ayaa ku guuleystay doorashadii Golaha Wakiilada. Waxa uu magacaabey gole wasiiro ah oo hoos yimaada madaxa dawladda Jabuuti.

Maxamuud Xarbi waxa uu noqday ku xigeenka madaxweynaha Jabuuti ee wakiilka ka ahaa dawladda sare ee Faransiiska. 1958kii ayaa dadka reer Jabuuti ee madaxbannaanidoodii doonayay uu dareenkoodii uu kor-u-kacay. Maxamuud Xarbi waxa uu u ololeeyey si dalkiisu u helo madaxbannaani.

Hase yeeshee, Xasan Guuleed ayaa ka soo horjeestey madaxbannaanida wakhtigaas. Sanadkii 1958kii ayay maamulkii dawladda Faransiiska ay qabatay Afti la waydiiyo dadweynaha reer Jabuuti. Sanadkii 1959kii Axmed Diini iyo dad badan oo reer Jabuuti ah ayaa noqday Mucaarid, markaa qaarkood waa la xiray, qaarna dibadda ayay u dhoofeen. Sanadkii 1968kii ayay dawladda Faransiiska dadka reer Jabuuti ka qaadday Afti kale. Dadka Canfarta ah ayaa oggolaaday in xukunka Faransiisku Jabuuti ka sii socdo. Dawladda faransiisku wakhtigaas ayay magacii xeebta Soomaalida ee Faransiisku gumeysto loo beddelay Mustacmaradda Faransiiska ee Canfar iyo Ciise.

Ka dib waxa bilaabmay halgan hubaysan oo Soomaalidu ku qaadday dawladdii Jabuuti ee Faransiisku xukumayay. Markii uu muddo socday halganka madaxbannaani doonka ahaa, ayaa uu Faransiisku aqoonsaday halgankoodii, isla markaasi oggolaadey Madaxbannaanidii Jabuuti. Sanadkii  1977kii ayay Jabuuti heshay madaxbannaanideedii. Madaxweynihii u horreeyay ee Jabuuti waxa uu noqday Xasan Guuleed Abti-doon Maamulkii cusbaa ee Jabuuti waxa uu xiriir joogto ah la yeeshay dawladdii Faransiiska oo saldhig ciidan ku leh Jabuuti ilaa maanta.

Sanadkii 2001, madaxweyne Geelle waxa uu saxeexay heshiis soo afjaray tobankii sano ee u socday dagaalka sokeeye ee ka dhaxeeyey dawladda Jabuuti iyo dadka Canfarta ah ee ay hoggaaminaysay jabhadda (FRUD).

  

 


Post a Comment

0 Comments