MEELAHA BARAKEYSAN IYO SADDEXDII QOF EE HADASHAY IYAGA OO CARRUUR AH

Makka Al-mukarama waa magaallo barakaysan oo Muslimiintu leedahay. Dadka muslimka ahi oo dhammi waxay u jeestaan kacbada oo ku taal Makka, marka ay tukanayaan. muslimiinta oo dhammi waxay rajaynayaan in ay tegi doonaa xajka maalin maalmaha ka mid ah si ay u xajiyaan. sida aan ogsoonahay xajku waa tiirka shanaad ee islaamka. macnihiisuna waa in la tagaa makka cibaado darteed, cibaadadaas waxaa ka mid ah in kacbada la dawaafo, in la ordo Safo iyo Marwo dhexdooda, in carrafo la joogsado maalinta sagaalka bisha Dul-xijah iyo Muna in la joogo saddex beri.

Xaajiyaasha makka yimaad, waxay ka yimaadaan aduunka dacaladiisa oo idil. ragga xujayda ah waxay inta badan xirtaan dhar isu eg oo caadi ah oo inta badan laba go' oo cadcad. boqorka, madaxweynaha, jananka, maamulaha, macallinka, ardayga, iyo qofka darajada aan lahayn oo caadiga ah waa isku dhar dhamaantoodna ilaahey waa u siman yihiin.


Al-madinah Al munawara
wax ay leedahay muhiimad gaar ah qalbiga qofkasta oo Muslim ah. Nebiga (NNKH) intii uusan u haajirin ka hor waxaa lagu magacaabi jirey (Yathrib). magaalada dadkeedu waxa ay ku soo dhaweeyeen rasuulka  (NNKH) farxad weyn  markii uu ka haajiray Makka. waxaa ay rumeeyeen islaamkii waxa ayna taageereen Nebiga (NNKH) wixii ka dambeeyey waxaa loo yaqiinay  magaaladii rasuulka , halkaas oo masjidkii ugu horeeyay (Masjidul-Quba) laga dhisay. muuqaal muhiim ah ee magaalada madiina ku yaal waa masjidka rasuulka (NNKH) halkaas oo Nebigu ku duugan yahay.

Masjidka Al-Aqsa ee magaalada AL-Qudus ku yaal ayaa ahaa qibladii ugu horeysay ee loo jeesto waana kan saddexaad markii loo eego meelaha muqadaska ah, ma sheegi kartaa kuwa kale magacyadooda? waa  immisa tiradoodu?

QEYBTAAN WAXAAN IDINKU SOO GUDBINAYNAA, SADDEXDII QOF EE HADASHAY IYAGA OO CARRUUR AH

Abuu hurayrah waxa uu ka soo weriyey Nebi Maxammed (S.C.W) inuu yiri; " Saddex qof ayaa iyaga oo weli carruur ah hadashay. mid wuxuu ahaa Nebi Ciise oo isaga oo markaa uun dhashay la hadlay dadkiisii taas oo aayad iyo mucjiso ahayd. ka kalena waxa uu ahaa ninkii la oran jiray saaxiibkii jureyj. Jureyj waxa uu ahaa nin saalax ah oo cibaado badan, waxa uu  dhistay mowlac yar si uu ugu go'o inuu cibaadeysto. maalin isaga oo salaad ku jira baa hoyadii u timid oo u yeertay, markaasuu alle qalbiga ka baryay oo hoos iskula hadlay: "rabbiyoow ma hooyadeey ayaan lahadlaa mise salaadaan sii wataa (rabbiyoow i dooransii sida roon)", salaaddii buu doortay oo iska watay, hooyadiina way iskaga tagtay.


Maalintii xigtay bay hoyadii hadana u timid isagoo tukanaya oo ay tiri: "Jureyjoow iyadoo u yeereysa". waxa uu iskula hadlay oo uu alle ka baryey: "rabbiyoow ma salaaddaan iska wataa mise hooyaan uga baxaa".  salaaddii buu doortay oo uu iska watay. maalintii saddexaad bay hooyadii u timid isaga oo tukanaya oo haddana u yeertay. Jureyj waxa uu iskula hadlay sidii oo kale oo alle ka baryey:  "rabbiyoow ma salaaddaan wataa mise hooyaday baan uga baxaa", salaaddii buu doortay oo uu iska watay. maamadii hooyadii ahayd way habaartay jureyj markii ay saddex goor u timid ee uu lahadli waayay, waxa ayna tiri: alloow ha dilin ilaa uu dambaabo oo uu sinaysto ama uu naag xun wejigeeda arko.

Jureyj cibaadadiisa caan bay noqdeen iyo ayagoo noqday arrimaha ugu horreeya ee isla dhex maraanoo ay ka sheekeystaan dadkii meesha ku noolaa. xumaan falayaashii waxa ay go'aansadeen in ay ninkaas suuban magaca ka dilaan, waxa ayna u abaabuleen naag xun oo qurux badan, oo caan ku ahayd xagga xumaanta bulshada dhexdeeda si ay u xumeeyaan magaciisa. naagtii waxa ay tiri: haddii aad rabtaan anigaa fidnayn kara, oo fadeexad u soo jiidi kara". markaas ay isku dayday in ay soo jiidato. hase yeeshee, jureyj waa uu jalleeci waayey, danna kamuu gelin. naagtii waxa ay u tagtay nin xoolo ilaaliye ah, oo uur bayna yeelatay. markii ay dhashay bay tiri: "jureyj baa iga dhalay ilmaha".

Dadkii waxa ay u tageen Jureyj, waxa ayna kasoo saareen meeshiisi, iyaga oo garaacay, oo talo ku ciirtay,  Waxa uuna weydiiyey: "Maxaad sidan iigu galeysaan?" waxa ay yiraahdeen, "naagtaan baad ka sinaysatay oo ilmay kuu dhashay". Waxa uu yiri: "ilmihi ii keena?" waa ay u keeneen, wax uu yiri: "ii kaadiya aan tukadee". markii uu tukadey, ee uu dhammaystay salaaddii, buu ilmihii inta uu u tagay, oo uu ku fariisiyey dhabtiisii buu weydiiyey: " waa kuma aabbahaa?" wiilkii baa yiri: "waa hebel ina hebelah, oo ari jiraha ah", markaas ayaa dadkii oo dhammi u yimaadeen jureyj, iyaga oo dhundhunkanaya, oo in uu ka raalli noqdo weydiisanaya, oo ay ku yiraahdeen: "Mowlacaagii oo dahab ah baanu kuu dhisaynaa". Jureyj waxa uu yiri: "mayee dhoobadeydii ii dhisa, oo sideedii ah", waanay u dhiseen.

Ilmaha saddexaad waxa uu ahaa, ilmo hooyadii naaskeeda nuugayey ayaa waxa soo ag maray nin fuushan faras dheereynaya oo bilic leh. ninkaa faraska watay waxaa uu lebbisnaa dhar aad u qurux badan. wiilkii baa hooyadii duceysatay oo tiri: "Alloow wiilkeyga iiga dhig sida ninkaasi. wiilkii inta uu naaskii hooyadii sii daayey oo sidaas u eegay ninkii buu yiri: "Alloow ha iga dhigin sida ninkaa".


Dabadeedna naaskii buu iskaga noqday oo uu iska nuugey. haddana waxaa soo maray dad badan iyo gabar adoon ah, nimankuna waxa ay garaacayeen addoonta iyaga oo ku eedeynayey in ay tahay gbar xun, oo ay waxna xadday, iyaduna jawaab ahaan bay u lahayd: "Xasbiyallaahu Wanicmal Wakiil" oo macnaheedu tahay  "allaa igu filan, oo aan wakiishay." hooyadii ayaa tiri:  "wiilkayga taas oo kale alloow ha ka dhigin", markaasuu wiilkii inta naaskii sii daayey oo uu sidaas u eegay gabartii buu yiri: "Alloow iga dhig ayada oo kale".

Kadib wada hadal ayaa dhexmaray wiilkii yaraa iyo hooyadii oo waxa ay tiri hooyadii:  "waxaa ina soo ag maray nin heybad leh markaasaan waxaan" iri: "Alloow wiilkayga kan oo kale ka dhig", markaasaad waxaa tiri: "Alloow isaga oo kale ha iga dhigin". haddana dad baa soo maray iyo addoomad ay garaacayeen iyaga oo ku eedeynaya xumaan iyo tuuganimo, markaasaa waxaan iri "Alloow wiilkayga taas oo kale ha ka dhigin", markaasaad waxaa tiri "Alloow iyada oo kale iga dhig". wiilkii baa wuxuu ku jawaabay "Ninkaasi waxa uu ahaa nin xun oo macangag ah, "markaa baan ka hor imid oo waxaan iri: Alloow kaas oo kale ha iga dhigin. Gabadha ay leeyihiin waa ay xun tahay, run ahaantii ma xuma, waxa ay ku eedeynaayeen in ay wax xadday, laakiinse waxna ma ay xadin (oo waa gabar mu'minad ah) sidaas awgeed, baa waxaan iri: "alloow iga dhig iyada oo kale" Xadiiskan waxaa wariyey (BUKHAARI IYO MUSLIM). 

Post a Comment

0 Comments