Chelsea Wey Kasoo Qeyb Gali Kartaa Tartamada Yurub, Xitaa Hadii ay Ku Dhameysato Booska 10-aad.

Haa waa Macquul oo Chelsea wey kasoo qeyb gali kartaa Tartamada Yurub, xitaa hadii ay 10-aad ku dhameesato.




Si aan si faahfaahsan idiinku fahamsiiyo qaabka fadlan si dagan iila aqrista faaladaan ilaa dhamaadka.


Hadaba sidee ku dhici kartaa ?

Kooxda Kubada Cagta Chelsea ayaa haatan Booska 11-aad ka fadhiso kala sareynta Horyaalka Premier League-ga, iyadoo 15 Dhibcood ka dambeyso Booska 4-aad oo ah booska lagu xaqiiqsado kasoo qeyb galka Champions League-ga, sidoo kalana waxeey ka fogtahay boos walba oo loogu soo bixi karo tartamada Yurub sida Europe League-ga iyo Conference League-ga, maadaama ay 10 dhibcood ka hooseyso Manchester United oo booska 6-aad ku jirta, booskaasoona ah booska ugu soo dhaw ee loogu soo bixi karo tartan kamid ah tartamada Yurub.

Waxaa laga yaabaa in ay Taageerayaasha Chelsea intooda badi aaminsan yihiin in hadii ay Chelsea ku dhameysato booskaas ay hada joogto aysan macquul eheen in ay kasoo qeyb gashao tartamada Yurub.

Halka qaar kale oo badan ay Iyaguna aaminsan yihiin in hadiiba ay Chelsea usoo bixi weyso taranka Champions League-ga aysan rabin in ay usoo baxdo taramada kale ee Yurub, taasoo Aniga ahaan ila ah Fikir qaldan.

Sababata aan midaas u leeyahayna waa in Taratamadaasi ay Kooxda ka saacidi doonaa in ay wada isticmaasho dhamaan Xidigheeda aan Muhiimka ka eheen safkeeda Horyaalka, taasoo jaanis ay isku muujiyaan siin karto dhamaan Ciyaartooyda, Tababarahana u sahli karto in uu qof walbaba tijaabiyo, sidaasna uu ku kala xusho safka ugu muhiimsan Kooxda ee Horyaalka ku ciyaari doonto..

Tusaale ahaan haatan Tababaraha waxuu weerarka inta badan u adeegsadaa Jackson iyo Palmer oo la hubo iyo midkood Xidigaha Nkunku, Sterling, Madueke iyo Mudryk, iyadoo Xidigaha qaar sida Mudryk uu jaanis yari badan dareemayo, hadana hadii ay Chelsea ciyaari leheed tartamadaas Yurub waxaa meeshaas kasoo bixi lahaa jaanis weyn oo ay kukala safan lahaayeen.

Hadaba yaanan waxba war dheer idiinku daalineenaa, Aan ka jawaabno su'aasheena.

Sidee Chelsea ugu soo bixi kartaa Taratamada Yurub, Xitaa hadii ay ku dhameesato booska 10-aad ama wax kasii liito ?

2 siyaabood oo kala duwan ayeey Chelsea ku imaan kartaa tartamada Yurub ee kala aha Europe League-ga iyo Conference League-ga, waa hadii ay Chelsea soo buuxiso 2 shuruud ama xitaa Midkood, si ay macquul uga dhigto midaasi. 

Sidee Chelsea uga soo qeyb gali kartaa Tartanka Conference League ?



Wadadaan waa mida ugu sahlan ee Chelsea ku imaan karto waxaana ka xigto kaliya 1 tilaabo oo ay si saxan u qaado, iyadoo hadii ay Tilaabtaasi haleeshana ay si toos ah uga qeyb gali doonta Koobkaas oo ah Midka 3-aad ee Yurub

Sida aan wada ognahay Kooxda Chelsea ayaa joogta Final-ka Koobka Carabao Cup-ka oo ay Ciyaarta kama dambeesta ah la ciyaari doonto Dhigeeda Liverpool, Ciyaartaasoo loo balansan yahay in ay 25-ka bishaan ka dhacdo Gegada Wembley Stadium. 




Hanashada Koobkaas ayaana Chelsea ka saacidi kara in ay Xili Ciyaareedka dambe ka qeyb gasho Koobka Uefa Conference League-ga oo ah Koobka 3-aad ee Xeriirka Uefa u qabtaan Kooxaha Yurub.

Dabcan sidoo kale Chelsea waa in ay ka aar gudato Liverpool oo sanado yar ka hor ka qaaday isla Koobkaan, Ciyaar ay hareeyeen qaladaad Garsoore, Chelsea oo si waadax ah u badin kartay lagu qasbay in ay Rigoorooyin la gaarto Liverpool oo u muuqatay mid aan naf heynin, ugu dambeyna Rigoorooyinkii Chelsea looga qaaday Koobka. 

Markaan waa in ay Chelsea u ciyaarto Final-ka 2 hami oo midna ah Tiigsiga Tartamada Yurub iyo mida kale oo ah Aar-gudsi.

Sidee Chelsea uga soo qeyb gali kartaa Tartanka Europe League ?



Dabcana Wadadaan xoogaa wey ka yara adag tahay mida hore, waxaana Chelsea looga baahan yahay in ay Ku guuleysato Koobka FA-Cupka oo ay haatan u gudubtay wareegiisa 16-ka, kadib markii ay dhagaha u laabtay Kooxda Aston Villa ciyaar 2 lug ay u baahatay Chelsea si ay usoo baxdo.

16-ka Kooxood ee isugu soo haray haatan waxaa qeyb ka ah Kooxo waaweyn sida Manchester City, Liverpool, Manchester United, Newcastle United, Brighton iyo qaar kale, sidaas awgeedna ma ahan mid sahlan.


2018-kii ayey eheed markii ugu dambeysay oo ay Chelsea hanatay Koobkaan, iyadoo uu Kalkaas Eden Hazard farta ka saaray Koobka kadib Rigoore uu Chelsea u dhaliyay ciyaar ay 1-0 uga badisay dhigeeda Manchester United. 

Waxii markaa ka dambeeyay Chelsea ayaa u muuqatay mid laga habaaray Koobkan iyadoo dhoor jeer oo Final-ka timid guuldareysatay.


Haatan Chelsea ayaa wajihi doonto Leeds United ciyaarteeda ugu soo horeeyso ee FA Cup-ka, waana in ay Xooga saarto Koobkaas si ay u hesho booskaas loogu soo baxaayo Europe League-ga. 


Chelsea ayeyna jaanis weyn u tahay hadii ay Xooga saarta hanashada Koobka FA Cup-ka, waxeyna ka saacidi kartaa Kasoo qeyb galka Europe League-ga, waxeyna markaasi si toos ah oo aan isreebreeb eheen u aadi doontaa tartankaasi.

Xeerkaan oo ay dadku inta badi ku baraarugsaneen ayaa ah mid jiro, waxaana in lagu baraarugin keena in ay inta badi Koobkaan hantaan Kooxo markoodii horaba Top4 ku dhameestay.

FA Cup-ka qaad ee toos Europe League-ga u aad waa fursad kale oo cajiib ah oo ay Chelsea heysato taasoo u baahan kaliya juhdi Kooban in lagu bixiyo.

Hadaba ma ceeb baa Koobabkaas in ay Chelsea ka qeyb gasho ?

Waxba ha yasin Koobabkaas, waa sax ma ahan maqaamka Chelsea, balse xiligaan hada la joogo Chelsea waa u muhiim in ay hesho tartamo badan si ay jaanis u helaan Ciyaartooyda da'da yar ee Kooxda buuxo, kuwaaso weysan meel ay Hibadooda kusoo muujiyaan, maadaama Kulamada Horyaalka ay yihiin kuwa aan sahlaneen, sidoo kalana Koobabka Maxaliga ah sida FA Cup iyo Carabao Cup kana ay Chelsea sanadkaan muhiimad gaar ah siineysay oo ay iyaguna sahlaneen in ay Xidigaha ka helaan jaanis, iyadoo ay jirto in ay Koobabkaas yihiin bug bax oo hadii aad badin weyso aad meesha ku hareeso, halka tartamada Yurub ay leeyihiin Group Stages oo aad hubto in aad 6 Kulan ciyaari doonto xitaa hadii lagaa wada badiyo.

Waana wado kale oo ay tahay in ay Chelsea-daan cusub usoo marto kusoo laabashada maqaamkeedii lagu yaqiinay tan iyo qarnigaan 21-aad.

Xasuusaha Chelsea ee Tartamada Yurub ee aan eheen Champions League-ga. 




Chelsea horta waligeeda kama eysan qeyb galin Tartanka dhawaan galka ah ee Conference League-ga, balse 2 jeer oo ay horay uga qeyb gashay Tartanka Europe League-ga, Chelsea ayaa 2-da jeerba Koobkaasi hanatay.

Iyadoo ay xusid mudan tahay in markii ugu dambeysay oo ay Chelsea ka qeyb gashay Europe League-ga ay si Unbeaten ah ku qaaday Koobka, iyadoo Finalka ku xasuuqday Kooxda Arsenal ciyaar ka dhacday Baku oo Chelsea 4-1 ku xasuuqday Arsenal.

Maxeey kula tahay Adiga ?

Post a Comment

0 Comments