Beeraha Geeska Afrika

Ujeedo:                                                                                                                                                          

Dhammaadka qoraalkan waxa la filayaa in ay aqristayaashu tilmaamaan doorka beeraha waawey iyo beeraha yar-yar ay dhaqaalaha geeska afrika ka qaataan, iyo waxa ay ku kala duwan yihiin.

beeraha waaweyn

Bunka Itoobiya


Bunku waxa uu ka baxaa meelaha joogga dhulka u dhaxeeya 1500m - 1800m  ee ka sarreeya badda. Bunku waxa uu ahaan jiray geedo si dabiici ah uga baxa dhulka koonfurta galbeed ee itoobiya. dhulka ugu muhiimsan ee Bunku ka baxaa waa koonfurta galbeed ee  Dhulka sare ee gobolka Kaffa. dhulka sare ee bariga ee ku wareegsan harar iyaguna waxa ay muhiim ku yihiin beerista bunka.

Nooca Bunka itoobiya ka baxa waxa loo yaqaan Bun-carbeed bunka iyo itoobiya 98% waxa soo saara beeraleyda yar-yar bunka waxaa nolol maalmeed kasoo saaran jiray 25% dadweynaha ku nool itoobiya

Dhibaatooyinka ka hor yimid Bunka


1. Qiimaha sayladaha Bunka ee adduunka oo aan daganeyn. 

2. Geedaha Bunka waxa ku dhaca cudur la yiraahdo Koffi Berry.

3. Cudurkani waxa uu yareeyaa tayada iyo wax soo saarka Bunka.

Muuska Soomaaliya

muuska waxa uu ka  ciyaaraa door muhiim ah wax soo saarka beeraha ee soomaaliya. shirkad talyaani ah ayaa ka bilowday beerista muuska dhulka u dhaxeeya webiyada jubba iyi shabeelle markii ay soomaaliya noqotay mustacmarad Talyaani. Maanta muuska sheyga labaad ee dibadda loo dhoofiyo ee soomaaliya ka hesho lacagta adag ee ay ku daboosho baahiyaha kala duwan. Muusku waxa uu inta badan ka baxaa dooxooyinka webiyada jubba iyo shabeelle.

Muusku waa dalagga ugu muhiimsan ee ay u dhoofiso dibadda Soomaaliya. roobka uu u baahan yahay bixitaanka muuska waa 1200mm sanadkii, hase yeeshee muuska soomaaliya waxa uu ku baxa biyaha waraabka ah ee webiyada jubba iyo shabeelle. dooxooyinka webiyadu waa dhul carro-san ah oo biyaha webiyadu degeen.

Sanadka oo dhan heerkulka Soomaaliya waa kulayl, waana cimilada ku haboon bixitaan muuska.

Muuskii ugu horreeyey waxaa dalka soomaaliya laga beeray sanadkii (1922kii) meesha la yiraahdo duca-gelgi ee abruusi, oo ku taalla agagaarka webiga shabeelle. beerista muuska waxaa lagu fidiyey dhanacyada wabiyada shabeelle iyo jubba. mashruuca biyo xireenka baardheere ee webiga jubba ayaa diyaariyey 20,000 oo hektar oo dhul-beereed waraab ah iyo koronto biyaha laga dhaliyo.


Qayb ka mid dhulka la diyaariyey waxa laga beeray muus. nooca Muuska laga beeray waa yar-yar, muuska soo baxa badankiisa waxa loo dhoofin jiray Yurub galbeed,  gaar ahaan "Talyaaniga". soomaaliya dhowr sano kahor waxay ahayd dadlka 13aad ee dhoofiya muuska. Dekadda Muqdisho oo dib u habeyn lagu sameeyey ayaa laga dhoofin jiray muuska.

Cudbiga Suudaan

suudaan waxa beerista cudbigu ka bilaabay dowladdii biritaaniya sanadkii 1913. dowladda waxa ay go'aansatay in dadka aaan shaqo hayn la dejiyo meelaha mashaariicda beerista cudbigu ka socdaan, si ay mashaariicda uga shaqeeyaan.
inkasta oo cudbigu laga beeray beero yar-yar oo biyo ku filan hel; hase yeeshee ujeeddada ugu weyn ee dowladda biritaaniya waxa ay ahayd in mashaariic beero waaweyn laga sameeyo jasiira.  Mashruuca jasiira waxa laga sameeyey meel u dhexeysa Niilka buluugga ah iyo kan caddaanka  ah  ee  waqooyiga biyo-xireenka    sinaar    iyo koorfurta   khartuum. Dowladda biritaaniya   ayaa   dhistay biyo xireenkaa  sanadkii    1925kii. sanadkii 1966kii waxaa la dhammaystiray biyo xireenka roseyre".

Goobta ay mashruuca h=ku taallo waxaa loo doortay sababah hoos ku qoran:

* Dhulka uu ku yaallo oo hooseeya oo suurtagalinaya in biyaha biyo-xireenku si toos ah oo fudud loogu waraabiyo dalagyada.

* Goobta oo biyo badan.

* Dhulka oo ka sarreeya, biyo fariisinada oo aan suurtagalineyn in meelo mashruuca ka mid ah biyo fadhiistaan.  Meelaha waraabka waa laba-jibbaaray markii la dhammeystiray fidintii iyo biyo xireenkii  Manajil sanadkii 1962kii.  Qiyaasta mashruuca jasiira waa 0.75milyan hektaar. Laakiin biyaha mashruuca jasiira oo dhan looma isticmaalo waraabka cudbiga oo kaliya.

Cudbiga waxaa laga beeraa, beero waaweyn. Beeraleyda waaweyn waxa ay beeraan dhul u dhaxeeya 10 - 20 hektaar. Waxa kale oo ay beeraan dalagyada cuntada sida haruurka, Khudaarta iyo dalagyada lo'da la siiyo.

Beeraleyda yar-yar waxaa la siyaa biyaha, abuurka ama shinnida, bacarinta iyo qalabka beeraha lagaga shaqeeyo. Waxa kaalmada beeraleyda siiya madaxda mashruuca jasiira. Waxa kale oo lagu kaalmeeyaa beeraleyda yar-yar shaqaale howlaha beeraha kala duwan la qabta.

Beeraleyda Suudaan, ragga badankooduna waxa uu ka shaqeeyaa beeraha cudbiga,  Dumarka badankooduna waxa ay ka shaqeeyaan beeraha laga soo saaro dalagyada cuntada ah.

Cudbiga Suudaan laga beero waa nooca dunta dhaadheer ee ugu wanaagsan.
Cudbiga waa shayga u muhiimsan ee Suudaan dibedda u dhoofiso.

Su'aal cilmi baaris ah
Sheeg meelaha kale oo Geeska Afrika ah oo laga beero cudbiga.

Dhibaatooyinka ka hor yimid cudbiga

1. Cayayaanka cuna ee waxyeelleeya cudbiga sida (Bool Wiivitis) iyo (Istrainer) oo cuna kubadda.

2. Cudurada ku dhaca cudbiga ee ay keenaan dabeysha, roobka iyo duqsiga oo cuna caleemaha. Waxa lagula dagaalami karaa daawooyin qaali ah sida daawooyinka cayayaanka iwm.

3. Haramaha khatarta ah ee la qaybsada geedka cudbiga biyaha iyo nafaqada oo loo baahan yahay in la dabar-gooyo.

4. Kaliyada ama kanaallada ay biyuhu maraan marka beeraha la waraabinayo oo ciid buuxiso oo u baahan in ciida si joogta ah looga saaro.

5. Qiimaha cudbiga oo hoos ugu dhaca sayladaha adduunka iyo tartan ay kula jiraan kuwa soo saara waxyaabaha u dhigma cudbiga oo aan dabiici aheyn.

Waxqabadka 2aaad
Iskuday in aad kala garato wadamada laga soo saaro saddex daan hoos ku qoran.

* Bun
* Muus
* Cudbi

Beeraleyda soo saarta wax aan baahidooda ka badneyn




Ma eegtay beeraha yar-yar ee u dhow tuuladaada ama qoyskiina ma leeyahay beer yar. Waa maxay noocyada dalagyada ka baxa beerahaas.

Beeraleyda yar-yar waxa ay soo saaraan waxa ku filan qoyskooda keliya, waxa loo yaqaan beeraleyda soo saarta wax iyaga uun ku filan. Waxa jirta xilliyo beeraleyda yar-yar ay soo saartaan wax ka badan baahidooda oo ay u iib geeyaan sayladaha wax lagu kala iibsdado. Dalagyada waddaniga ah ee lagu cuno magaalooyinka iyo caasimadaha waxa badankooda soo saara beeraleyda yar-yar Inkasta oo ay soo saaraan wax lacunno; Laakiin waxa dhibaatooyin badan oo saameyn ku leh wax soo saarkooda; sida 

* Qalabka ay u isticmaalaan qodaalka dhulka oo aad u liita, sida yaambo iwm.

* Sanadka oo dhan ma shaqeeyaan oo waxqabadkoodu aad buu u yar yahay.

* Gacmahooda ayey u isticmaalaan Harameynta,    abuurista    ama    shinniyeynta , iyo goynta dalagyada iwm.

* Cayayaanka iyo cudurada, oo wax soo saarkooda hoos u dhiga.

*Dhulka ay beeraan oo yar.

* Wax beertu u baahan yahay oo aanay iibsan karin, sida - bacarinta, dawoowinka cayayaanka iyo lacagta maalgelinta beerta.

Beerista haruurka


Haruurku waa cunta waddaniga ah ee soomaalidu cunto. Dadka Kushitiga ee Itoobiya ayaa beeran jiray haruurka muddo  5000 - 7000  oo sano laga joogo.

Haruurku waxa uu si wanaagsan uga baxaa cimilada dhulka sare ee qallalan ee heerkulku yahay diirimaad. Haruurku waxa uu u adkeystaa kulaylka abaarta iyo fariisinada iwm.  Haruurka goyntiisa iyo tumistiisu waxa ay u baahan tahay hawl cagmeed badan.

Haruurka  ugu badan dalka Soomaaliya waxa uu ka baxaa gobollada koonfur galbeed ee Soomaaliya.  Magaca haruurka badanaaba waxa uu ku xiran yahay midabkiisa iyo xajmigiisa.

Waxa kale oo jira noocyo kale oo badan oo ka baxa dalka deriska la ah Soomaaliya.

Haruurka waxa ku jira 9 - 12% borotiin ah. Waxa kale oo la soo sheegay in nooc ka mida harruurka in uu ku jiro borotiin 20%

Haruurku waxa laga sameeyaa soor, canjeero, muufo, iyo jabaati ama sabaayad. Marka haruurka keligiis la kariyo ama lagu daro digir waxa lagu magacaabaa cambuulo.

WAXAA  DIB U QORAY CABDIQAADIR BASHIIR CABDI (CADE BOLIS)

Fg. buuga cilmiga bulshada 6aad ee la daabacay 2004-2005 ayaan ka soo xiganay.

Post a Comment

0 Comments