3 Qodob oo ay tahay in uu la yimaado Pochettino, si ay u badbaado Shaqadiisa Chelsea.

Faaladaan waxaan iskula eegi doonaa 3 Qodob oo ay tahay in uu la yimaado Pochettino, si ay u badbaado Shaqadiisa Chelsea.



Sida aan wada ognahay Tababaraha Kooxda Chelsea ee Mauricio Pochettino waxaa saaran cadaadis badan oo dhanka Taageerayaasha iyo Saxaafada ah, waloow uu xoogaa Kalsooni ah ka heesto Maamulka Chelsea oo la fahamsan yahay in aysan diyaar u eheen in ay si sahlan ku buriyaan Macalin kale, Maadaama ay durbaba marayaan Macalinkii 4-aad ee waayahooda oo aanba gaarsiisneen xitaa wax ka badan 2 sano.

Hadana si walboo uu Pochettino u heysto kalsoonidaas, marna uma balan qaadi karto in uu baaqi kusii ahaan doono Chelsea, Kurisga kulul ee shaqada Chelsea waxa kaliya ee aad kaga badbaadi karto waa in aad la timaado Natiijooyin wanaagsan oo ay ku qancaan Maamulka iyo Taageerayaasha Kooxda.

Hadaba waxaan Faaladaan idiin kula wadaagi doonaa 5 Qodob oo loo arko in ay sal u noqon karaan badbaadada Pochettino waa hadii uu la yimaadee, ee nala aqrista ilaa dhamaadka faalada, kadibna fikradiina inoogu reeba qeybta fikraha.

3- Haagjinta Qadka-Dhexe ee Kooxda qaas ahaan booska Burburiyaha.

Sida aan dhoor jeer aragnay Qadka dhexe ee Chelsea waxaa ka muuqdo dayacaad badan, taasoo ay sabab u tahay Qorsho xumada iyo falsafada Macalin Pochettino, maadaama ay Chelsea booskaas u heysato Ciyaartooy tayo leh, inta badina ayba isticmaasho ilaa 3 dhax oo kala ah Caicedo, Enzo iyo Gallagher. 

Hadana dhamaan 3 daba waxee u muuqdaan kuwa dayaco masuuliyada booska 6-aad ama kubad joojiyaha, inta badana waxaa la arkaa booskaas oo faaruq ah cid joogtana aysan jirin, hadii ay ahaan leheed marka Kubada gadaal laga soo dhisaayo iyo marka rogaal celinta lagu soo helabo waxaa inta la arkaa booskaas oo faaruq ah sida ka muuqato sawirka hoose.



Pochettino waa in uu qorsho saxan u keeno midaas, Lavia oo la filaayay inuu caqabadaas xalin karana dabcan wali lama heli karo, marka waa in Tababaraha uu qorsho u sameeyo inta uu heli karo, ha joojiyo Enzo ama Caicedo si uu natiijooyin fiican u helo, waxaana taas cadeyn u ah Kulamada uu midaas hagaajiyo sida Kulankii Aston Villa ee dhawaa Chelsea si raaxo leh ayey u badineesay.

Tani waxeey gundhig u noqon doontaa in ay caawiso Daafaca Kooxda oo haatan u muuqdo meesha ay Chelsea ka liidato, Maadaama goolal badan laga dhalinaayo, iyadoo ay Weerarkeedu Goolal badan dhalinaayaan.


2- Kulamada Away-ga ah waa in uu Qorsho la yaqaano u keensado.


In kastoo ay Bilowgii Xili-Ciyaareedka ay Chelsea ku fiicneed Kulanada Away-ga taas caksigeedana ay ku liidatay Kulamada Home-ka ah, balse haatan waxee isu badashay sidaas Cagsigeeda oo Chelsea waxee aad ugu dhiban tahay Kulamadii Away-ga ahaa oo 7-dii Guul daro ee ugu dambeysay ee Chelsea soo gaarto waxee 6 Kamid ah kasoo gaartay Kulamada Away-ga.

Stamford waxaa ka dhacay kulamo badan oo aad u xiiso badan oo ay Chelsea soo bandhigtay qaab ciyaareed Qurxoon haba ugu darnaadaan Kulamadii ugu dambeeyay oo ay Chelsea u muuqatay mid aad ugu xoogan gurigeeda, balse Banaanka markii ay baxdo xaalka uma toosno.

Chelsea Kulamada u harayna intooda ugu adag waa Kulamo Away ah, waxeeyna Chelsea Away kula soo ciyaari doontaa Kooxaha ugu adag sida City iyo Arsenal.

Waa kanaa sida ay kala sareynta Horyaalka ahaan leheed hadii la xisaabin lahaa kaliya Kulamada Away-ga ah, waxeeyna Chelsea fadhin leheed Kaalinta 11-aad.


Sida muuqatana Chelsea ayaa kaliya 13 dhibcood kasoo heshay 11 Kulan oo Away oo ay ciyaartay, iyadoo lumisay 20 dhibcood, 6 jeer oo laga badiyay iyo 1 barbaro oo ay gashay ayaana ugu wacnaa.

Xitaa Chelsea 21 Goal ayaa laga dhaliyay marka ay Banaanka aado halka ay iyadu dhalisay 18 kaliya taasoo ka dhohan in iyada lagu leeyahay 3 Gool oo deen ah.

Sidaas awgeeda waa ku qasab Pochettino in uu Qorsho u keeno Kulamada Away-ga ah si uu u badbaadsado shaqadiisa, Natiijooyinka uu Kulamadaas Away-ga ah ka keenana waxee wax weyn ka badali doontaa Mustaqbalkiisii. 


1- Waa in uu Joojiyo wax ka badalkaan badan ee Shaxda uu ku sameynaayo iyo Xidigahaan uu Boosaska Qaldan ka ciyaarsiinaayo.


Mida iska cad oo dhamaan Taageerayaasha Chelsea ay ku dhaliilaan Tababare Pochettino waa is badbadalka xad dhaafka ah ee uu  ku sameeyo Shaxda Kooxda iyo Sidoo kale Xidigaha uu inta badan ka ciyaarsiiyo boosas ka duwan kuwooda saxda ah taasoo hoos u dhac ku keentay Xidigaha qaar.

Mida ugu weyn ee tusaalaha looga dhigan karo waa mida uu ku haayo Colwill oo ahaa Daafac dhexe cajiib ah oo wax badan laga filaayay kadib markii uu Xili-Ciyaareed Qurxoon kusoo qaatay Brighton, balse Pochettino ayaa inta badi u isticmaalay Dambeedka Bidix, taasoo keentay in uu hoos u dhac weyn ku yimaado Qaab ciyaareedkii Levi, xitaa isaga ayaaba si cad u sheegay in booskiisa saxda ah ee uu ku fiican yahay in uusan ka ciyaarin.




Colwill oo kaliyana kuma koobnee, Xidigaha Disasi, Badiashile, Malo Gusto, Ben Chilwell, Enzo, Gallagher, Palmer, Jackson iyo Qaar kaloo badan ayuu dhoor jeer uga ciyaarsiiyay boosas ka duwan boosaskoodii saxda ah.

Sidoo kale Enzo Fernandez ayaa la xasuustaa in uu ku dhawaaday in uu fashilmo maadaama uu Tababaraha ku waalay ka ciyaarsiinta boosas kala duwan oo ka baxsan booskiisa saxda ah ee Kubad qaabeynta, waxaa sidaas lamid ah Gallagher waloow uu Conor muuqdo mid aa kala jecleen in laga ciyaarsiiyo meel walba hadana waxuu saameyn ku yeeshaa bandhigyada Kooxda.

Marka ay caqabad lama huraan ah jirto wax ceeb ah malahan sida marka ay dambeedyada dhaawacan yihiin in Disasi ama Colwill loo isticmaalo dambeed ahaan, ama xitaa in dambeedyada lakala badala sida in Gusto laga ciyaarsiiyo bidixda ama Cucurella oo laga ciyaarsiiyo Midigta, balse marka aad Xidig ka ciyaarsiiso boosa qaldan adigoo heli karo Qof booskaa si sax ah uga ciyaari karo waa caqabad weyn, waana caqabada ugu weyn ee heysato Pochettino oo qanaaco daro ayeyba Ciyaartooyda xitaa ku keeneysaa.



Nicolas Jackson oo uu baryahaan ku bilaabay in uu Garab ku tijaabiyo cml waa mid qaldan oo xitaa qaladkaas kuma koobno Jackson kaliya, waxuu sidoo kale sameyn ku yeelaneysaa Palmer oo uu isna markaas u isticmaalayo booska 9-ka beenta ah.

Waa qodob kale oo u baahan in uu iska xaliyo Pochettino si uu u badbaadsado shaqadiisa Chelsea.

Adiga ahaan maxaad ku dari leheed ?

Post a Comment

0 Comments